Sawirro:-Madaxweyne Farmaajo oo xalay kulan la qaatay Bulshada iyo Madaxda Galmudug

0 265

waxaa xaley Magaalada Gaalkacyo ee Xarunta Gobolka Mudug munaasabad soo dhaweyn ah loogu sameeyay wefdiga uu hoggaaminayo Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Munaasabadaan oo lagu qabtay Xarunta Madaxtooyada Galmudug ee Koonfurta Magaalada Gaalkacyo ayaa waxaa Gobjoog ka ahaa Madaxweynaha dowlad goboleedka Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf xubno ka tirsan labada Aqal iyo qeybaha kala duwan ee Bulshada.

Inta badan munaasabada ayaa waxaa lagu soo bandhigayay Heeso Wadani ah oo madaxda lagu soo dhaweynayay,waxaana sidoo kale munaasabada looga hadlayay heshiiska Nabada oo ay wada qaateen Madaxda Maamulada Puntland iyo Galmudug
.
Sikastaba Madaxweyne Farmaajo ayaa Maanta la filayaa in uu aado deegaanada kale ee Maamulka Galmudug sida Cadaado, Cabudwaaq ama Dhuusa Mareeb.

Hoos Ka Daawo Sawirrada.

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.