SAWIRRO: Shir looga hadlayo arrimaha Soomaaliya oo ka socda Brussels

0 162

Shirkii looga hadlayay arrimaha Soomaaliya ayaa ka furmay Xarunta Midowga Europe ee Magaalada Brussels.

Shirka oo uu shir guddoominayo Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre ayaa waxa kasoo qeyb galay madax kala duwan oo ka socota dawladaha taageera Soomaaliya.

Sidoo kale Shirka waxa qeyb ka ah xildhibaano Soomaaliyeed iyo masuuliyiin ka kala socota dawladaha xubnaha ka ah dawladda federaalka Soomaaliya.

Danjiraha Soomaaliya u fadhiya Midowga Yurub Cali Saciid Faqi ayaa waxa uu sheegay shirkan oo ay soo qaban qaabisay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Midowga Yurub inuu gogol xaar u yahay mid kale oo dhacaya bartamaha sanadkan.

Kulan 26-kii bishii ina dhaaftay ee April ku dhexmaray Magaalada Muqdisho, Beesha caalamka, Wakiillo matalayay Hay’adaha caalamiga ah, Waddamada ay saaxiibka yihiin Soomaaliya iyo Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa qayb ka ahaa qorshayaasha ugu waa weyn ee ay Dowladda Federaalku ugu diyaar garoobayso in Ciidamada Qaranku ay la wareegaan ammaanka guud ee dalka marka ay wakhtigooda dhammaystaan kuwa Midowga Afrika.

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.