(SAWIRRO)Wararkii ugu dambeeyey ee xarunta Golaha Shacabka

0 191

Wararkii ugu dambeeyay ee aan ka heleyno xarunta Golaha Shacabka ayaa waxa ay sheegayaan in Xildhibaanada Golaha Shacabka qaar ay gudaha u galeen xarunta Golaha Shacabka, halka qaarna ay ku jiraan liiska baaritaanka oo waxaa Xildhibaanada lagu baarayaa afaafka hore ee xarunta Golaha Shacabka.

Ciidamo Boolis ah, kuwa AMISOM ee Booliska iyo kuwO Cadaan ah oo wata Eeyo ayaa ku sugan afaafka hore ee xarunta Golaha Shacabka, waxayna baarayaan xildhibaanada galaya xarunta, si ammaanka loo xaqiijiyo.

Xaaladda Baarlamaanka maanta lama qiyaasi karo sida uu noqon doono, maadaama Xildhibaano wata laba Ajande oo iska soo horjeeda hoolka ay ku sugan yihiin maanta.

Wararka Idaacadda Risaala ay ka heleyso xarunta ayaa waxa ay sheegayaan in Gudoomiye Jawaari iyo Mahad Cabdalla Cawad ay galeen xarunta Golaha, iyada oo sidoo kale goor dhow xarunta uu tagay Guddoomiye C/wali Muudey.

Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya ayaa ku kala qaybsan Mooshinka laga soo gudbiyay Guddoomiyaha Golaha Shacabka Soomaaliya, kuwa difaacaya iyo kuwa Mooshinka la boodaya ayeey isugu jiraan.

Suxufiyiinta ayaa loo diiday inay galaan gudaha Baarlamaanka, maadaama la diiday in si toos ah loo soo tabiyo waxa ka socda Xarunta Golaha Shacabka iyo dhaqdhaqaaqyada kala duwan ee iska soo horjeeda.

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.