Shabaab oo Madaafiic ku weeraray Xudur

0 287

Xoogag ka tirsan ururka Al-shabaab gaar ahaan Guutada Madaafiicda ayaa weerar Hoobiyeyaal loo adeegsaday waxa ay xalay saq dhexe ku qaadeen mid ka mid ah saldhigyada Ciidanka Itoobiya ay ku leeyihiin degmadaasi.
Idaacadda Andalus oo ku hadasha Afka Shabaabka ayaa baahisay in Madaafiicdan si gaar ah loola beegsaday halka loo yaqaano (Buraalayaasha) oo ka tirsan Magaalada Xudur.
Dadka degaanka ayaa waxa ay sheegeen in xalay ay maqleen tiro Madaafiic ah oo ay ku qiyaaseen ilaa Toban xabo, kuwaasi oo ay sheegeen in ay ku abuureen xaalad cabsi ah iyo in ay hurdada ku negaadaan.
Shabaabka ma aysan sheegin Hoobiyeyaasha ay rideen khasaaraha ay geysteen, balse waxa ay tilmaameen in saldhiga Ciidanka Itoobiya ay la beegsadeen tiro Madaafiic ah.
Ilaa hadda si dhab ah looma khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay weerarkii xalay lagu qaaday Ciidanka Itoobiya, xiriiro aan la sameynay maamulka degmada waa ay inoo suurtageli weysay inaan qadka telefoonka ku haleelno.
Ilo madax banaan ayaa Risaala u sheegay in Al-Shabaab ay Madaafiicdan ka soo tuureen duleedka Magaalada Xudur, kadibna halkaasi ayay isaga carareen markii madaafiicda ay soo tureen.
Ciidanka Itoobiya oo garab ka helaya kuwa Dowladda Federaalka iyo kuwa Koonfur Galbeed ayaa Howlgallo koox koox ah waxa ay ka wadaan Aagga ay u maleynayaan in laga soo tuuray Madaafiicda.
Muddooyinkii dambe Ciidamada Itoobiya ee degmada Xudur ayaa waxa ay la kulmaayeen culeys Militari oo laga imaanaayay dhanka xoogaga Ururka Al Shabaab.

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.