Shabaab oo war ka soo sartay weerarka Posh Hotel

0 310

War Shabaabka ay ku soo qoreen baraha ay wararkooda ku faafiyaan ayay ku sheegteen mas’uuliyadda weerar xooggan oo Qarax ku bilowday, kaasi oo xalay fiidkii ay ku qaadeen Maqaaxidaha Posh Treats oo ku yaalla degmada Hodan.

War laga baahiyay Idaacadda Andalus oo ku hadasha Afka Shabaabka ayaa lagu sheegay in weerar aad u xooganaa xalay fiidkii lagu qaaday Hotel Posh iyo goob kale oo lagu caweeyo, halkaasi oo ay weerareen Dagaalyahano ka tirsan Shabaab.

Shabaabka waxa ay sheegeen Hotelkan ay weerareen in ay ku caweyn jireen Ajaanib, Saraakiil, iyo shaqaale ka tirsan Dowladda Federaalka Soomaaliya.
Jugta qaraxa ayaa laga maqlay inta badan degmooyinka magaalada Muqdisho waxaana goobta qaraxu ka dhacay gaaray gaadiidka caafimaadka kuwaasi oo halkaasi ka daad gureeyay meydad iyo dhaawacyo.

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.