Shaqaalaha Dowladda Soomaaliya Oo La Fasaxay

0 85

Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa ku dhawaaqay in dhammaan shaqada dowladda Federaalka iyo kuwa Hay’addaha gaar ah ay fasax yihiin.

Qoraal kasoo baxay Xafiiska Agaasimaha guud ee Wasaaradda Shaqada Cabdullaahi Maxamed Cali ayaa waxaa lagu sheegay in shaqaalaha fasax yihiin maalinta Khamiista ee kasoo socota oo beegan maalintii uu dhashay Nabiga Muxamed NNKH.

Agaasime Cabdullaah Maxamed ayaa ugu hambalyeeyay Shaqaale weynaha iyo guud ahaan ummadda Soomaaliyeed Dhalasha Nabigeenna Muxamed (SCW), isla markaana muhiim ay tahay in la weyneyso dhalasha Nabiga Muxamed NNKH.

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa sanad kasta markii la gaaro bisha Mowliid garb ahaan 12-ka bisha fasaxda shaqaaladeeda, iyadoona la weyneynayo dhalashada Nabiga NNKH, sidoo kalena la qabtay Munaasabado.

Hoos ka Akhriso Qoraalka kasoo baxay Wasaaradda Shaqada.

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.