Shaqaale UNICEF ka tirsanaa oo Muqdisho

0 242

Sida ay sheegayaan wararka inaga soo gaaraya degmada Wadajir ee Gobolka Banaadir nin Ajnabi ahaa oo ka tirsanaa shaqaalaha Hay’adda UNICEF ayaa lagu dilay xarun ay Hay’addu ku leedahay degmadaasi.

Ninkan la dilay ayaa la sheegay inuu ka mid ahaa shaqaalaha cuntada kariya ee xaruntaas ka howgala, waxaana dilkaasi geystay mid ka mid ah ilaalada Soomaalida ah ee la shaqeeya Hay’adda UNICEF.

Lama oga dalka uu u dhashay ruuxaan Ajnabiga ah ee lagu dilay Degmada Wadajir, gaar ahaan Xaafadda Buulo Xuubey Xarunta ay ku leedahay Hay’adda UNICEF ee qaabilsan waxbarashada Caruurta.

Askariga dilka geystay ayaa la sheegay inuu ka baxsaday xarunta, balse Ciidamada ammaanka ayaa ku daba jira dambiilaha dilka geystay, sidoo kalena ay baarayaan sida ay wax u dhaceen.

Ciidamada Midowga Afrika ee AMISOM ayaa lagu soo warramayaa inay halkaasi gaareen, islamarkaana ay meeshaasi ka daad gureeyeen shaqaalihii Ajnabiga ahaa ee xafiiskaas ku sugnaa.

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.