Sheekh Shariif oo si kulul uga hadley kufsi dhacay & dagaal beeleedyada

0 408

Guddoomiyaha Madasha Xisbiyada Qaran Madaxweynihi hore ee Dowladii KMG aheyd ee Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa ka hadlay dagaallada sokeeye ee ka soo cusboonaaday gobollada Galgaduud, Baay, Sh/hoose iyo Jubada Hoose.

Sheekh Shariif ayaa ugu baaqay dadka walaalaha ah ee wada deggan inay ka waantoobaan dhacdooyinkii argagaxa lahaa ee maalmihii dambe lagu arkayay baraha bulshada oo dad la gubay ay ka muuqdeen.

Sheekh Sharif ayaa sidoo kale aad u cambaareeyey falkii kufsiga ahaa ee carruur seddex iyo afar jir ah loogu geystay degmada Afgooye, gaba gabadii wuxuu si’ qotta dheer uga sheekeeyey halista cudurka Coronavirus iyo muhiimadda ay leedahay in la qaato talooyinka dhaqaatiirta.

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.