Shir Amniga looga hadlaayey oo ka dhacay Degmada Diinsoor ee G/Bay

0 139

Shalay gelinkii dambe jimcahi taariikhduna aheyd 08/06/018 xiliga Afurka ayaa maamulka degmada Diinsoor oo hormuudka ah ay xarunta degmada Diinsoor ay ku qabteen kulan looga hadlayo xoojinta amniga iyo ahmiyada ay leedahay inlala shaqeeyo laamaha amniga ee Deegaanka.

Shirkani ayaa kasoo qeybgalay dhamaan ururada bulshadda, waxgaradka, Salaadiinta, culimaaudiinka, Haweenka iyo dhalinyarada.
Ugu dambeytii waxaa la isku waafaqey in si weyn loola shaqeeyo laamaha amniga si loo helo Nabadgelyo dadku aay helaan.

Gunaanudkii shirka ayaa waxaa soo xiray gadomiyaha Degmada Diinsoor Mudane Ibrahim Maxamed nuur “Shigshigow” isaga oo sheegay inuu xooga saari doono asagana hormuud ka noqon doono xaqiijinta amniga deegaanka.

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.