Shir beeleed saaka Muqdisho ka dhici lahaa oo la joojiyay

0 970

Shir saaka ka dhici lahaa magaalada Muqdisho oo ay isugu yimaadeen waxgarad, odayaal iyo siyaasiyiin ka soo jeeda Beelaha Hawiye ayaa la joojiyo.

Sida ay sheegayaan wararka shirkan ayaa ka dhici lahaa Hotelka Maka Al-Mukarama, iyadoo markii  dambe Ciidamada ammaanka ay joojiyeen.

Wararka qaar ayaa sheegaya in shirkan looga hadli lahaa arrimaha doorashooyinka dalka ka dhacaya, iyadoo qaban qaabiyeyaasha shirka ay sheegeen inay uga soo horjeedaan fara felin uu Madaxweynaha ku haayo Beelaha Hawiye.

Qaar ka mid ah dadkii ka qeyb galayay shirka ayaa u sheegay Warbaahinta in markii la isugu yimid Hotelka ay u yimaadeen saraakiil ka tirsan Laamaha ammaanka, kuna war geliyeen in shirka la joojiyo, waxaana la sheegayaa in dowladda aysan jecleysan shirkan.

Intaas kadib ayaa waxaa soo baxday in Gaari waxyaabaha qarxa laga soo buuxiyay oo la sheegay in lala bartilmaameedsan rabay Hotelka Maka Al-Mukarama ay qabteen Ciidamada Nabadsugida, waxaana kadib lagu kala dareeray Hotelka markii warkaas uu soo baxay.

Afhayeenka Gobolka Banaadir C/fataax Cumar Xalane oo la hadlay qaar ka mid ah warbaahinta ayaa sheegay in Ciidamada Nabadsugida ay qabteen gaari waxyaabaha qarxa laga buuxiyay iyo ninkii waday oo su’aalo la weydiinayo.

Shirka ka dhici lahaa Hotelka Maka Al-Mukarama ee looga hadlayay xaalada dalka ayaa waxaa la sheegay in abaabulkiisa ay lahaayeen Guddoomiyaha Dhaqanka Beesha H/gidir Abuukar Ganey iyo Boqor Cabdullaahi Geeddi Shadoor.

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.