Shir laga yeeshey Amniga Amniga deegaano katirsan Maamulka putaland.

0 210

Guddiga amniga Gobolka Karkaar ayaa kulan deg-deg ah ku yeeshay xarunta maamulka Gobolka,kaas oo looga hadlayay dhinaca Amniga,kadb markii falal Amni darro kusoo kordheyn deegaano ka tirsan Puntland.

Kulankaan oo uu shir guddomiyay Guddoomiye ku-xigenka Koowad ahna kusimaha Guddoomiyaha ee Gobolka Karkaar Cabdicasiis Yuusuf Caamir, waxaana ka qeyb galay Taliyaha Qaybta Gobolka Cabdiqaadir Jaamac Dirir, Duqa Degmada Qardho Cabdi Siciid Cismaan, Agaasimaha madaxtooyada Degmada Qardho Cali Axmed Siciid, Xisaabiyaha wasaarada maaliyada Gobolka Karkaar Yaasin Cabdi Ciise iyo xeer ilaaliyaha Maxkamada Gobolka Karkaar Jaamac Suuley.

Shirka oo muddo saacada ah socday ayaa waxaa laag soo saarey saddex qdoob oo ku saabsan dhinaca Amniga.

1:Guddiga amniga Gobolka karkaar waxa uu ka tacsiyaynayaa Geerida Alle ha u naxariistee Guddoomiyihii gobolka Nugaal Marxuum Cabdisalaan Xasan Xirsi (Gujir).

2:in si wayn loo adkeeyo Amaanka dhamaan degmooyinka Gobolka Karkaar.

3:iyadoo la raacayo awaamirti kasoo baxday Xukumada Puntland si looga hortago Cudurka Covid19 waxaa la xiray dhamaan xududaha Gobolka Karkaar Bad iyo barriba.

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.