Shir looga hadlayo Xaaladda Soomaaliya oo berri ka furmaya Uganda

0 200

Magaalada Kampala ee caasimadda dalka Uganda maalinta berito ah oo taariikhda ku beegan tahay 2-bisha March 2018, waxaa ka furmaya shir fursad u siinaya in laga xaajooda Xaaladda haatan ka taagan Soomaaliya.

War ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Uganda ayaa lagu sheegay in Shirka ay isugu imaanaya madaxda Dowladaha ay Ciidamada ay ka joogaan Soomaaliya gaar ahaan Ciidamada Midowga Africa ee AMISOM.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Uganda H.E. Yoweri Kaguta Museveni ayaa marti-gelin doona shirka oo beri furmaya, waxaana la filayaa iney ka qeyb galaan madax heerkeedu sareeyo, sida Wakiilo ka socda Guddiga Midowga Africa, Xubno ka socda Qaramada Midoobay, Midowga Yurub, Xubno ka kala socda Gobolka, Ururo caalami ah iyo Wakiilo metalaya shanta xubin ee joogtada ka ah Golaha amaanka ee Qaramada Midoobay.

Shirka ayaa inta uu socdo diirada lagu saari doono qaab gunaanadka shirkii bishii September ee sanadkii 2017-dii lagu qabtay magaalada New York ee dalka Mareynkanka, waxaana shirka New York uu ahaa mid la isku aragti dhaafsanayay Xaaladda Soomaaliya, Mustaqbalka Ciidamada Midowga Africa ka jooga Soomaaliya ee AMISOM iyo waliba hanaanka Kumeel gaarka ah ee Ciidamada Dowladda Soomaaliya kala wareegi karaan amaanka guud ahaan dalka Ciidamada AMISOM.

Shirka 2-bisha March ka furmaya magaalada Kampala ee caasimadda Uganda ayaa bixinaya fursad ah in si qoto dheer looga wada xaajoodo Marxaladda Soomaaliya, doorka dalalka Ciidamada ay ka joogaan Soomaaliya, joogteynta habka haboon ee la saadaalin karo maalgelinta AMISOM iyo Waxqabadka xaaladda kala guurka ee AMISOM.

Ciidamada Dowladda Soomaaliya ayaa loo diyaarinayaa sidii mas’uuliyadda ammaanka dalka ugala wareegi lahaayeen Ciidamada AMISOM oo mudo sanado ah jooga, kuwaasi oo Ciidamada Xoogga dalka ka taageeraya dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab.

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.