Shirka Amniga Qaranka oo ka furmaya Baydha
Waxaa Maanta lagu waddaa in uu Magaalada
tan Baydhabo uu ka furmo Shirka Golaha Amniga Qaranka oo looga hadlaayo xaaladda Amni ee Soomaaliya.
Shirkaan ayaa ka dhici doona Magaalada Tan Baydhabo ee caasimada ku meel gaarka Koonfur Galbeed waxaana si weyn diiradda lagu saari doona Xaaladda Ammaan ee Soomaaliya.
Xildhibaano, Wasiiro, Madaxda Qaranka, Madaxweynaasha dowlad goboleedyadda iyo xubno ka socda Beesha Caalamka ayaa ka qeyb gali doona Shirkan
Shirkaan ayaa lagu waddaa in lagu soo bandhigo qorshaha Qaranka ee ku wajahan dhanka Ammaanka