Shirka iskaashiga dalalka Qaaradda Afrika iyo Japaan oo lasoo gabagabeynaayo

0 160

Waxaa Maanta lagu waddaa Magaalada Johannesburg ee Dalka Koonfur Afrika lagu soo gabagabeeyo shirka iskaashiga xagga dhaqaalaha ee Dalalka Qaaradda Afrika iyo Jabaan.

Waxaa lagu waddaa in shirkaan maanta laga soo saaro Warmurtiyeed ku aadan kaalinta dowladda Japan ee horumarinta Qaaradda Afrika.

Kulankan oo ay soo agaasintay Dowlada Japan ayaa waxaa ka qeyb galay Madaxweynaha Dalka Koonfur Africa, Criral Ramaphosa, Wasiirro ka socda Dowlaha Afrika oo ay Soomaaliya ka mid tahay ,iyo Wasiiro ka socda Dalka Japan, madax ka socotay ururo caalami ah,shirkadaha ganacsiga ee ugu waaweyn Dalka Japan iyo Dalalka Qaaradda Afrika iyo marti sharaf kala duwan oo shirka lagu casuumay.

Ujeedka shirka waxaa uu ahaa maalingalinta Dowladda Japaan ay ka sameyneyso Dalalka Qaaradda Africa iyo sidii ay iskaashi dhaqaale iyo mid ganacsi oo dhow u sameysan lahaayeen Labada dhinac.

Wasiiru Dowlada Wasaaradda Arrimaha dibedda iyo iskaashiga xiriirka Caalamiga ah ee Soomaaliya, C/qaadir Axmed Kheyr iyo Agaasimaha xariirka caalamiga ah , Daahir Salaad Xasan ayaa Soomaaliya uga qeyb galay shirkan heerka caalami ah.

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.