Shirka Joogteynta Iskaashiga Qaarada Afrika iyo Shiinaha dhowaan ka furmaya dalka Jabuuti

0 168

Dalka Jabuuti ayaa waxaa bisha July 4-7 ee Sanadka 2018 lagu qaban doonaa shir ballaaran oo ay wada yeelan doonaan wadamada Afrika iyo Shiinaha, waxaana shirkaas ka qayb gali doona madax ka tirsan dowladaha Afrika iyo Shiinaha.

Madashaan ayaa waxaa Diiradda lagu saari doonaa sidii loo sii Xoojin lahaa ama loo joogteyn lahaa Xiriirka Iskaashi ee Wadamada Afrika iyo Shiinaha gaar ahaan Dhinaca Dhaqaalaha maadaama Dowlada Shiinaha waayadaan dambe ay galaangal dhinaca Maaligelinta iyo Dhaqaalaha ay ku yeelaneyso Wadamada Afrika,

Shirkaan ayaa sidoo kale waxaa ka qayb geli doona ganacsato ka socda dalalka Afrika iyo Shiinaha waxayna Labada dhinac uga hadli doonaa sidii dalka Shiinaha uu maalgelin ballaaran ugu sameyn lahaa kaabayaasha dhaqaalaha ee Qaarada Afrika

Sidoo kale waxaa shirkaas lagu martiqaadey shirkado waaweyn oo ka socda Wadamada Yurub , Mareykanka,, Afrika, Carabta iyo Aasiya, si ay wax badan ugu ogaadaan habka Shiinaha uu u Maalgelinyo Qaaradda Afrika iyo Xiriirka sii xoogeysanaya ee Afrika iyo Shiinaha

Ma aha markii ugu horeysey oo kulan u dhexmaro Shiinaha iyo Afrika waxaana sanadahaan dambe Dowladda Shiinaha hore u dhaqaajisey sidii qaarada Afrika ugu yeelan lahayd saldhig dhinaca dhaqaalaha waxayna dowladda Shiinaha ka hormareen wadamada kale ka dib markii bulshada qaarada Afrika ay aamineen sida Shiinaha ay uga go’an tahay horumarka qaarada Afrika.

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.