Shirka Wada Tashiga Doorashada 2016 Iyo Aayaha Soomaliya Oo Qaban Qaabadiisa Ka Socda Magaalada Muqdisho.

0 327

September 19 (Radio Baydhaba). Magaalada Muqdisho waxaa ka socda qabanqaabada shirka wadatashiga aayaha siyaasadeed  iyo hanaanka doorashooyinka 2016-ka, iyadoo shirkan uu furmayo 20-ka bishan oo ku beegan maalinimada berri ah.

Iyadoo madaxweynaha dowlada fedaralka soomaliiya mudane Xasan Shiikh Maxamuud iyo Raisalwasaarah Xukumada Mudane Cumar Cabdirashiid Cali Sharma’arke todobaadkii hore hadalkan ay ka sheegen magaalada Kismaayo 20-ka bishan magaalada Muqdisho ka dhici doono shirka wadatashiga hanaanka iyo aayaha siyaasadeed ee Soomaliya doorashada 2016.

Waxaana maanta la filayaa magalada Muqdisho in ay soo gaareen wafdi ay hogaaminayaan madaxda maamul gobaleedyada dalka, si ay uga qeyb galaanan shirka wadatashiga ee doorashada sanadka 20Si6

Sidokale madaxda beesha caalamka ayaa iyana dhinacooda la filayaa in ay soo gaaraan magaalada muqdisho, si ay uga qeyb galaan shirkan wadatashiga ee doorashada 2016, oo la rajeynayo in ay kasoo baxaan go’aano ku aadan qaabka loo wajahayo doorashada 2016.

Dowlada federalka ayaa qaadan doonto doorka hogaamineed ee shirka wada tashiga, waxa la la doonaya in laga qeyb geliyo, ururada bulshada, culumaa’udiinka, dhalinyarada, haweenka, aqoonyahnada, odayaasha dhaqanka.

Baarlamanka iyo xukuumada ayaa dhawaan ku dhawaaqey in 2016-ka soomaliya aysan ka dhici karin doorasho qof iyo codkiisa, waxaana todabaadkii hore ay meel mariyeen Golaha wada tashiga hiigsiga doorashada soo socota.

Shirka markan lasoo gaba gabeeyo ayaa laga saari doono Road map ama khariirad qeexeysa nooca doorashada Somaaliya ka dhici doonto sanadka 2016.

Radio Baydhaba.

Waxaad Nagala Xiriiri Kartaa

hashimmalaaq@gmail.com

 

 

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.