Shirka Wasiirada Amniga oo lagu qabtay Garoowe (SAWIRRO)

0 197

Waxaa Magaalada Garoowe shalay ka furmay shirka amniga Dowlada Federaalka iy maamul Goboleedyada dalka, kaas oo looga hadlay xaalada ammaanka ee Dalka guud ahaan iyo sidii la isaga kaashan lahaa arrimaha nabad gelyada.

Kulankan ayaa sidoo kale la isku weydaar sanayay aragtiyo ku aaddan sida looga gudbi karo caqabadaha ka jira dhanka ammaanka iyo sidii guul kama dambays ah looga gaari lahaa Kooxaha liddiga ku ah nabad gelyada dalka ee ay ugu horreeyaan Al-Shabaab iyo Daacish.

Sidoo kale waxaa shirkan lagu falanqeeyay tayaynta iyo dibu dhiska Hay ‘adaha ammaanka, tiro koobka Ciidanka Booliiska Soomaaliyed, wada shaqaynta Wasaaradaha amniga ee heer maamul Goboleed iyo heer Federaal iyo xoojita Ciidamada Dalka ee ka howl-gala Gobollada iyo qodobbo kale oo xal u ah sidii nabad waarta loo gaarsiin lahaa Soomaaliya.

Wasiirku xigeenka Wasaaradda amniga Gudaha ee Soomaaliya C/naasir Siciid Muuse ayaa sheegay in Dowladda Federaalka Soomaaliya ay dedaallo dheeri ah ku bixinayso sidii loo dardar gelin lahaa qorshaha dib u dhiska Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed, iyadoo maamulladana laga doonayo iney fududeeyaan taabba gelinta Ciidankan, kaas oo ka shaqayn doona sugidda amniga Dalka oo idil.

“Shirkan muhiimaddiisu waa inaan helnaa Ciidan Boliis ah oo Soomaaliyeed, oo ay u dhammaystiran yihiin agabkii ay u baahnaayeen, Ayuu yiri Wasiir ku xigeenku”.

Madaxweyne ku xigeenka Dowlad Goboleedka Puntland, C/xakiin C/laahi Cumar , ayaa sheegay in amniga Soomaaliya ku hagaagi karo in maamullada Dalka ka jira lagala shaqeeyo sugidda nabad gelyada iskaashi buuxana ay ka wada yeeshaan Dowladda dhexe.

Wasiirka amniga puntland Axmed C/laahi Yuusuf, ayaa sheegay in Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Maamul Goboleedyadu ay si wadajir ah uga shaqayn doonaan sidii loo soo afjari lahaa kooxaha cadawga ku ah nabad gelyada Soomaaliya.

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.