Sidee bey ku kulmeen Farmaajo iyo Biixi

0 58

Somaliland ayaa xaqiijisay in madaxweyne Farmaajo iyo madaxweyne Biixi ay ku kulmeen xafiiska Ra’iisal wasaaraha Itoobiya ee Addis Ababa.

Wasiirka Arrimaha dibedda Somaliland, Yaasiin Faratoon oo ka hadlay kulanka ayaa yiri:

“Markii uu dhammaaday shirka madaxda midowga Africa,Madaxda ka qeybgashay oo dhan ayaa ismacasalaamaynayey, madaxweyne Farmaajona halkaas ayuu yimi, sidaas ayeyna ku kulmeen labada madaxweyne, warkuna intaas ayuu ku dhan yahay”.

Sidoo kale Madaxtooyadda Soomaaliya ayaa siddaan uga hadashay:

“Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa kulan kula yeeshay Addis Ababa Madaxweynaha Soomaaliland Mudane Muuse Biixi Cabdi. Dowladda Federaalka Soomaaliya waxay uga mahadcelinaysaa Ra’iisul Wasaaraha Jamhuuriyadda Federaalka Dimuqraadiga Itoobiya Mudane Abiy Axmed Cali marti-gelinta kulankii shalay”

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.