Somalia & UK oo ka wada hadley kordhinta tababarada Ciidamada Dowladda

0 146

Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga ee Xukuumadda Soomaaliya Xasan Cali Maxamed (Amar-ambe) ayaa Magaalada Muqdisho waxaa uu kula kulmey Safiirka Britain ee Soomaaliya Amb, Ben Fender.

Kulan gaar ah oo ay wada yeesheen ayaa waxaa ay uga wada hadleen taageeradda Dowladda UK ay siiso Wasaaradda Gaashaandhigga si ay uga qeyb qaadan lahayd dib- u dhiska Ciidanka Xoogga Dalka Soomaliyaeed.

“Waxaan la kulmay safiirka UK u fadhiyo Somaliya Mr Ben Fender, Wuxuu ahaa kulan aad iyo aad u qiimo badan waxaan kawada hadalnay taageeradda Dowladda UK ay siiso Wasaaradda Gaashaandhigga si ay ooga Qeybqaadan lahayd dib- udhiska Ciidanka Xoogga Dalka Soomaliya ayuu yiri”Wasiirka Gaashaandhigga.

Sidoo kale waxaa uu sheegay in uu aad ugu mahad celinayo Dowladda Ingiriiska oo Dib-udhiska iyo Tayeynta ku wadao Taliska Qeybta 60’aad CXDS ee Koonfur Galbeed, oo hadda Dowladda Uk ka hirgelisay dhismo Xero Cusub oo Ciidamadda XDS lagu tababari doono.

Dowladda Britain ayaa waxaa ay kamid tahay dowladaha taageera Soomaaliya,waxaana ay dhowr jeer tababar iyo qalab siisey Ciidamo ka tirsan kuwa Dowladda Soomaaliya.

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.