Somaliland “Marna raali kama nihin saldhiga Berbera in laga weeraro wadamada deriska

0 185

Maamulka Somaliland ayaa sheegay in marnaba aysan raali ka aheyn Saldhiga Millitari ee Berbera weeraro laga qorsheeyay in lagu qaado wadamada deriska sida Itoobiya, Djabuuti iyo wadamo kale.

Maamulka Somaliland ayaa sanadkii tagay waxa ay Saldhiga Berbera ku wareejisay Dowladda Imaaraadka oo halkaasi ka sameysatay saldhig aad u weyn oo ay ka howlgaleyso.

Wasiirka Arrimaha Dibbada Somaliland Sacad Cali Shire oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in marnaba aysan raali ka aheyn in Imaaraadka uu wadamada derislka la ah Somaliland uga weeraro saldhigan.

Dhinaca kale wuxuu faah faahiyay heshiiskii Khaatuma iyo Somaliland, wuxuuna sheegay in weli aysan fulin qodobka qarameynta Ciidamada oo labada ciidan la isku daro, balse dhowaan ay qorsheynayaan.

Hadii aan dib ugu laabano Marka laga hadlayo saxiixista heshiis ku saabsan dhanka Gaashaandhigga sida sharciga uu qabo waxaa geli kara labo Dowladood oo dhexmaray is fahan ku aadan heshiiskaasi, balse Maamulka Soomaaliland oo isku arka in uu yahay dal ka madax banaan Soomaaliya inteeda kale ayaa heshiis saldhig Millitari ah waxa ay la galeen Imaaraadka carabta.

Soomaaliland ayaa u arakta heshiiskaasi ay la gashay Imaaraadka Carabta in ay faa’iido ka heleyso oo dhanka Hormarada ah iyo faa’iidooyin kale oo dhanka Millitariga ah, iyada oo aanan eegin khatarta ka dhalan karta saldhigaasi Millitari.

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.