Somaliland oo diyaarado sidda gargaar u dirtay Awdal

0 189

Somaliland ayaa diyaarado sidda gargaar waxa ay u dirtay degaanada ka tirsan maamulkaasi oo ay saameyeen roobab dufaano wadda oo ku dhuftay degaano ku yaalla gobolka Awdal iyo sidoo kale Salal.

Madaxweyne kuxigeenka Somaliland Cabdiraxamaan Saylaci ayaa maanta ku dhawaaqay in meelaha ugu daran loo diray diyaarado sidda gargaar, Maadaama wadooyinka badankooda ay go’een.

Degmada Lughaye ayaa hada ugu daran meelaha ay saameeyeen Fatahaada roobabkii ka da’ay Somaliland.

Waxaa korodhay tirada dadka ku dhintay roobabka dabaylaha watay ee habeennadii Sabtidii iyo Axaddii ka da’ay gobollo ka mid ah Somaliland, gaar ahaan Awdal iyo Salal.

Mas’uuliyiinta degaanada ee gobolka Awdal ayaa sheegay inay haatan tirada dadka dhintay ay gaarayso 29 qof inta la ogyahay, halka kuwo kalena weli la la’yahay.

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.