Somaliland oo Gobolada ka bilaawdey baaritaanka Coronavirus

0 164

Dhaqaatiir gaar ah oo Soomaaliland u dirtey deegaano ka irsan gobolka Sool ayaa waxaa ay bilaabeen baaritaano la xiriira hubinta Caafimaad ee Cudurka Coronavirus,kaas oo dad badan ugu dhinteen qaar kamid ah dalalka Caalamka.

Soomaaliya kama jira cudurkaan,hayeeshee Dowlada Somaaliya iyo Maamul Goboleedyada ayaa waxaa ay siwaajir ah u sheegeen inay difaac uga jiraan caabuqa Coronavirus.

Dhaqaatiir ka socota Wasaaradda Caafimaadka Soomaaliland ayaa waxaa ay baaritaan la xiriira Cudurka Coronavirus waxaa ay ka bilaabeen deegaanka Tukaraq ee Gobolka Sool,halkaas oo ay ku nool yihiin Boqolaal Qoys.

Dhaqaatiirta ayaa dadka badi waxaa ay isugu geynayaan Xarun MCH ah oo ku taalla deegaanka Tukaraq,iyaga oo marsiinaya baaritaan Caafimaad,waxana tallaabadaas aad u soo dhaweeyey qaar kamid ah Bulshada ku nool deegaankaas.

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.