Somaliland oo ka jawaabtay Eedeyn kaga timid Puntland

0 164

Somaliland ayaa jawaab ka bixisay hadal shalay kasoo yeeray maamulka Puntland ,kaasoo ahaa in Somaliland ay taageero siiso Ururka Daacish ee ka dagaallama degaanada maamulka Puntland.

Kulan deg deg ah oo ay yeesheen Golaha Wasiiradda Somaliland ayay ku sheegeen in aysan jirin xiriir ka dhaxeeya Somaliland iyo sidoo kale kooxda Daacish.

Waxaa kulanka shir gudoominaayay Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi, waxaana sidoo kale looga hadlay dagaalka degaanka Tukaraq.

Golaha Wasiiradda Somaliland ayaa isku raacay in ay difaacaan dhulkooda,islamarkaana ay gaaraan Xuduudii ay horay u sheegeen in ay leeyihiin.

Kulanka ayaa yimid ka dib markii shalay kulan aan Caadi aheyn oo ay yeesheen Golaha Wasiiradda Puntland lagu iclaamiyay dagaal ka dhan ah Somaliland.

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.