Somaliland oo talaabo ka qaadaysa Diyaaradaha Qatar Airways ee Hawada Hargeysa dulmaraya

0 1,029

Maamulka Somaliland ayaa sheegay in talaabo cad ka qaadayaan diyaaradaha Qatar Air ways ee isticmaalaya hawada maamulkaas, maadama Hargeysa ay sheegtay in ay xariirka u jartay dawladda Qadar.

Wasiirka Duulista Hawada & Garoomada ee Somaliland Faarax Aadan Heybe ayaa u sheegay wariyaasha in ay hayaan xogaha Qatar Airways ee isticmaalka hawada Hargeysa.

Mr, Heybe ayaa sheegay in ay talaabooyin qorsheysan ka qaadi doonaan shirkaddan, isagoo sheegay in ay hawada maamusho hay’ada Qaramada Midowbay u qaabilsan arimahaas.

Somaliland waxay xariirka u jartay Qadar sidda ay sheegtay, iyadoo iska indho tireysa in ay ka mid tahay Soomaaliya, waxaase taasi ay noqontay mid aan waxba ka hirgalin.

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.