Soomaali banaanbax ka dhigtay Magaalada london

0 120

Dibad-baxyada ka socda London ee lagu diidan yahay cunsuriyadda iyo dilkii askarigii Maraykanka ahaa uu u gaystay George Floyd ayaa waxaa ku biiray dad Soomaaliyeed oo iyaguna caddaalad u doonaya Shukri Cabdi oo aheyd gabar yar oo Soomaali ah oo la dilay.

Gabadhaas ayaa waxaa la tuhunsan yahay in ay wabi ku yaalla Magaalada Manchester ku rideen arday caddaan ah, oo ay wax isla baranayeen, bishii June ee sanadkii 2019.

Shukri Cabdi oo 12 jir aheyd ayey hooyadeed Zamzam Carab waxa ay aaminsan tahay in gabadheeda la dilay, islamarkaana aaney helin cadaaladdii loo baahnaa.

Wadamo badan oo Caalamka kamid ah ayaa waxaa si aad ah loogu dhibaateeya Soomaalida, iyaga oo la kulmay falal ay kamid yihiin, Dil, dhac iyo in la boobo Ganacsiyo ay leeyihiin halka mararka qaar Soomaalida dhexdooda ay is dilaan.

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.