Soomaalida Degen Dalka Mareykanka oo Banaanbax Ka Dhigay Dalkaasi……

0 912

Inka badan 100 qoysas Soomaali ah ayaa ku banaanbaxay magaalada ST. PAUL ee gobolka Minnesota halkaasi oo ay ku muujiyeen sida ay kaga xun yihiin xeritaanka lix dhalinyaro Soomaali ah kuwaasi oo lagu eedeeyay iney doonayeen ku biiritaanka Daacish.

 Dhamaan dadka banaanbaxa dhigayay ayaa doonayay in lasii daayo dhalinyarada Soomaaliyeed iyaga oo muujiyay in dhalinyaradaasi aysan laheyn wax dambi ah lagana been abuuray.
Dad weynaha banaanbaxa dhigayay ayaa ka dalbaday dowlada Mareykanka iney joojiso weerarada ay u arkeen in lagu bartilmaameyd sanayo Soomaalida ku dhaqan Mareykanka, iyaga oo sheegay in dad laga shakiyay laga dhigto.
Lix dhalinyaro Soomaaliyeed oo ku noolaa gobolka Minnesota ee dalka Mareykanka ayaa waxaa xirtay hayada FBI-da Mareykanka kadib markii lagu eedeeyay iney doonayeen ku biiritaanka Daacish, waxaana lagu qabtay magaalada San Deigo iyo Minneapolis labo todobaad ka hor.
Hayada FBI ayaa sidoo kale xirtay Maxamed Saciid oo isna lagu eedeeyay inuu hanjabaad kusoo qoray bartiisa Twitter-ka isaga oo ku hanjabay inuu dili doono dadka xeritaanka dhalinyara ka dambeeyay haddii aan lasii deyn.
Hogaamiyaasha bulshada banaanbaxday iyo qaar kamid ah qoysaska banaaanbaxay ayaa ku dhawaaqayay iney ka xun yihiin xeritaanka badan ee lagula kaco dhalinyarada Soomaaliyeed oo lagu eedeeyo iney Daacish ku biiri rabeen.
Waxay sidoo kale dalbadeen in wiilashooda cadaalada la horkeeno si dambi loogu helo ama loogu waayo laakiin aysan iska xirnaan.
Ku dhawaad 100 ruux ayay ahaayeen dadka banaanbaxa dhigayay waxaana ku jiro seddex hooyooyin oo dhalin qaar kamid ah dhalinyara ay xirtay hayada FBI-da Mareykanka,waxaana midkood ay sheegtay ineysan aaminsaneyn in wiilkeeda uu yahay Argagixiso.

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.