Soomaalida Itoobiya oo ka cabanaya weerarda ay ku hayaan Oromada

0 232

Wararka ka imanaaya dalka Itoobiya ayaa sheegaya in ay sii kordhayaan weerarada ay Qowmiyadda Oromada ay ku bartilmaameedsanayso bulshada Soomaaliyeed ee ku nool dalkaasi.
Falkii ugu dambeeyey ayaa xalay lagu weeraray Soomaalida ku nool magaalada Nazareth oo qiyaas ahaantii ilaa 100-KM u jirta Caasimada dalkaasi Itoobiya ee Addis ababa, kadib markii boqolaal Soomaali ah lagu weeraray guryaha ay degan yihiin.
Dad badan ayaa lagu soo waramayaa in guryohoodii ay ka carareen oo ay u baxsadeeen Caasimadda Itoobiya, si ay uga badbaadaan beegsiga Qowmiyadda Oromada ay ku hayaan dadkaasi, sida ay sheegayaan qaar ka mid ah dadkii weerarkaasi la kulmay.
Dadka Oromada ah oo weerarada soo qaadaya ayaa la sheegay in ay ku hareereysan yihiin guryaha ay degan yihiin Soomaalida, dadku waxay la’yihiin qaab ay uga baxsadaan weeraradaasi.
Bilihii ugu dambeeyey waxaa jiray xisado u dhexeeya Soomaalida iyo Oromada dalkaasi Itoobiya, iyadoo dhowr jeer mas’uuliyiinta dalkaasi ay sheegeen in xal laga gaari doono dhibaatooyinkaasi.

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.