Soomaalida iyo Oromada oo ogolaaday faragalinta milatariga

0 150

Masuuliyiinta Oromada iyo Soomaalida Itoobiya ayaa isku raacay in milatari iyo booliis la adeegsado si loo soo afjaro colaadda barakicisay in ka badan 800,000 oo ruux.

Masuuliyiintu waxaa kale oo ay sheegeen in kulammo lagu qaban doono xadadka labada qowmiyadood si nabadda looga wada shaqeeyo.

Isniintii ayay ahayd markii ra’iisulwasaaraha Itoobiya Abiy Axmed uu amray in milatariga iyo booliiska faderaalku ay soo af jaraan colaadaha.

Sannado baddan ayuu soo taagnaa muranno dhulka ku saabsan oo isku dhacyo u horseeday Soomaalida iyo Oromada.

Waxaa jira eedaymo sheegaya in farogalin siyaasadeed ay sii hurinayso colaadda.

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.