Soomaaliya oo ka qeybgashay kulamada Golaha Fulinta ee Midowga Afrika

0 240

Mudane Cabdulqaadir Axmed-Kheyr Cabdi Wasiiru Dowlah Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Soomaaliya ayaa ka qeybgalay kulanka caadiga ah ee 33-aad ee Golaha Fulinta Ururka Midowga Afrika ee ku qabsoomay Magaalada Nouakchott ee dalka Mauritania.

Shirkaan ayaa u gogol xaarayo shirka 31-aad ee kulan madaxeedka Midowga Afrika oo socon doona Maalmaha 1-2 July.

Ka qayb qaadashada Soomaaliya ee shir madaxeedka Afrika iyo kulamada gogol xaarka ah waxay ka qayb tahay ahmiyadda joogtada ah ee Soomaaliya ay kula falgasho arrimaha Qaaradda Afrika.

Shirka Wasiirrada Arrimaha Dibadda Midowga Afrika oo ku qabsoomay 28-29 June Magaalada Nouakchott ayaa diirrada lagu saarray geedi socodka dib u habeynta Ururka, mashruuca miisaaniyadda Midowga Afrika ee sanadka 2019, magacaabidda Golaha Hantidhowrka Dibadda iyo horumarrada laga gaarray Suuqa keli ah ee gaadiidka cirka Afrika.

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.