Taabit “Dad waxa jira diidan Maqaam uu yeesho Gobolka Banaadir”

0 117

Guddoomiyihii hore ee Gobolkan Banaadir ahaana Duqa Muqdisho Taabit Cabdi Maxamed ayaa ka hadlay arrimo ku saabsan maqaam uu yeesho Gobolkan Banaadir oo uu sheegay in marar badna lagu hamiyay balse aysan suurtagelin.

Qoraal uu soo dhigay Bartiisa facebook ayuu ku sheegay Taabit Cabdi in Shacabka iney doortaan cida ay rabaan ay tahay midda ugu fudud ee lagu heli karo caddaalad,waxaana uu sheegay inay jiraan dad diidan maqaam uu yeesho Gobolka Banaadir.

Hoos Ka Akhriso Qoraalka uu soo dhigay Taabit Cabdi Bartiisa Facebook.

Waqti dheer waxey bulshadeenu sugeysay iney codkooda ku doortaan cida u noqoneysa Hoggaankooda heer Gobal iyo heer Qaran. Rabitaankaasi wuu xoogan yahay balse wili waxaa muuqata iney jiraan dad raadinaya in aan marxaladdaas la gaarin, oo abuuraya mowjado kale oo dano gaar ah xambaarsan.

Shacabku iney doortaan cida ay rabaan waa midda ugu fudud ee lagu heli karo caddaalad, isla-xisaabtan dhab ah iyo hoggaan heelan. Soomaaliya waxey taal meel aanu ka qaadi karin hoggaan ku yimid hab qabiil, laaluush iyo mid ay Dowladdo shisheeye dhabarka ku sitaan.

Si ay u guuleystaan dadaallada awoodda loogu celinayo gacanta Dadweynaha, waa inaan u wada midownaa arrinkaas. Kuwa ka cararaya codka dadweynaha waxaa la gudboon iney kala saaraan masiirka Qaranka iyo maalin-joogga qofka.

Anigoo fahamsan waqtiga dhiman, meesha la taagan yahay, nooca sharciga ee aan qaadanay iyo gaabiska jira, ayaan hadana waxaan mar walba xoojinayaa in la helo matalaad bulsho oo xoog leh, kuna timaada hannaanka xisbiyada badan, soona afjarta qolo-qolo doorata, loona gudbo ummad Qaran doorata.

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.