Taliska Booliska Gal-Mudug Oo ku Guuleystey in ay hakiyaan Barkado si Sharci darro ah loo Qodayey[SAWIRO]

0 99

Taliye Ku Xigeenka Ciidanka Boolisks Gal-Mudug Gaashaanle Cabdi Maxamuud Maxamed #Kadawe, Taliyaha Saldhigga Degmada Cadaado Labo-Xidigle Cali-Dheere, Kan Saldhigga Galinsoor, Iyo Qaar Ka Mid Ah Ciidanka Booliska Gal-Mudug Ayaa Maanta Waxa Ay Tageen Deegaano Ka Tirsan Gobolka Gal-Gaduud Kuwaas Oo Ay Ka Taagan Yihiin Muran Dhanka Deegaameysiga Ah.

Deegaannada Ay Saraakiishan Iyo Ciidamadoodu Ay Tageen Ayaa Waxaa Ka Mid Ah Tuula-Sarmaan, Kabawar, Mircawleyd, Iyo Saliid Oo Dhammaantood Kawada Tirsan Gobolka Gal-Gaduud.

Dadka Deegaanka Ayaa Waxaa Ka Dhaxeeya Muran Dhinaca Deegaameysiga Ah Sida Qodista Barkado Hor Leh Iyo Baagag Waxa Aynu Ciidamadu Ku Guuleysteen In Ay Joojiyaan Qodista Barkadahaasi.

Saraakiisha Ciidanka Booliska Gal-Mudug Iyo Odayaasha Deegaannadaasi Ayaa Isku Afgartay In Hadda La Joojiyo Dhammaan Barkadaha La Qodayo Hadda Ka Dibna Aanan La Qodi Karin Ciddii Lagu Qabtana Sharciga La Horgeynayo Tan Iyo Inta Arrintan Xal Rasmi Ah Laga Gaarayo.

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.