Taliska Booliska Gobolka Banaadir oo soo saaray amaro cusub

0 402

Taliska Booliska Gobolka Banaadir ayaa soo saaray amaro cusub oo la xiriira ammaanka, iyadoo muddooyinkii u dambeeyay uu sii kordhayay dilalka ka dhacayay xaafadaha Muqdisho.
Amarada la soo saaray ayaa waxaa ka mid ah in aan magaalada lagu arki karin gaadiidka aan laheyn sumadda ama Taargada.

Taliyaha Booliska Gobolka Bnaaadir Col. Bishaar Abshir Geeddi ayaa sheegay in cid kasta oo u hoggaansami weydo amaradaas ay sharciga hor keeni doonaan.

Waxaa uu mar kale dalbaday in ciidamada aan shaqada ku laheyn amniga gudaha Muqdisho in laga saaro magaalada, isla markaana lagu xareeyo xerooyinkooda

Habeen walba ayaa xaafadaha Muqdisho waxaa ka dhacaya dilal ay geysanayaan kooxo hubeysan, waxaana todobaadkii hore lagu dilay magaalada dad ka badan shan ruux.

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.