Taliska Ciidanka xoogga oo u digay maleeshiyo Beleedyada dagaalama

0 94

Taliyaha Ururka 15aad qeybta 21aad Janeraal Macsuuc Maxamed Warsame ayaa waxaa uu digniin u diray maleeshiyaad dhawaan ku dagaalamay deegaano hoostaga degmada Matabaan ee gobolka Hiiraan,kuwaas oo dagaalkooda uu yahay mid soo laab laabtay.

Waxaa uu sheegay in loo baahan yahay inay nabad ku wada noolaadaan dadka u nool degaannada Xagar iyo laan-Cadeed,isla markaana la iska iloobo dagaaladii dhex-maray labada maleeshiyo Beeleed xalna laga gaaro.

Waxaa uu u digay maleeshiyaadka dilalka aanooyinka qabiil la xiriira ee mararka qaar ka geysta deegaannada Gobolka Hiiraan,waxaana uu sheegay in qofkii ka tirsan maleeshiyaadkaas ee la qabto hubka lagala wareegi doono sidoo kalena talaabo laga qaadi doono.

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.