Taliska Taraafikada Baydhabo oo amarro soo saarey

0 135

Taliyaha ciidamada nabad galyada wadooyinka gobalka baay Mayow Mukhtaar (Mada Gaduud) ayaa waxaa uu sheegay inay Amar ka soo saareen gawaarida aan haysan leysinka ama sharciga gawaarida lagu kaxeeyo ee gudaha magaalada Baydhabo.

Taliye Mayow Mukhtaar ayaa sheegay in wixii ka dambeeya maalinta sabtida ah oo ku beegan 14-ka july 2018 magaalada Baydhabo ku dhex socon Karin gaari aan haysan Leysin ama sharciga lagu kaxeeyo gawaarida.

Mayow Mukhtaar ayaa sidoo kale sheegay in wasaaradda gadiidka koonfur galbeed iyo taliska ciidamada nabad galyada wadooyinka ay isla garteen shuruudaha Leysinka lagu bixinayo,asagoona sheegay in shuruudahaasi ay kamid tahay in Dadka Sharciga wadista gawaarida la siin karo ay da,dooda u dhaxayso 20,sano jir ilaa 70, sano jir.

Sidoo kale taliyaha ciidamada nabad galyada wadooyinka gobalka Baay ayaa waxaa uu sheegay inay fureen dugsi tababar oo loogu talo galay in lagu tababaro laguna ogaado aqoonta daraawalnimo ee daraawalada kaxaysa gawaarida.

Ugu dambeyn taliye Mayow Madaguduud ayaa qeybaha kala duwan ee bulshada gaar ahaan daraawalada kaxeeya gawaarida noocyadeeda kala duwan ugu baaqay inay u dhega nuglaadaan amarkan ka soo baxay taliska taraafikada oo kaashanaya wasaaradda gaadiidka koonfur galbeed.

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.