Taliyaha Ciidanka Dhulka ee Xoogga Dalka Soomaaliya oo ku dhaqaaqey dagaalka dhan ah Al-Shabaab

0 179

Taliyaha Ciidanka Dhulka ee Xoogga Dalka Soomaaliya S/guudto C/Xamiid Maxamed Dirir ayaa Kormeer shaqo waxa uu ku tagay Difaacyada Ciidanka xoogga dalka ay ku leeyihiin Degaanada Awdheegle,Bariire,Sabiid iyo Degmada Afgooye ee Gobolka Shabellada Hoose.

General C/Xamiid Maxamed Dirir ayaa mid mid u dul istaagay Difaacyada isagoona halkaasi kula kulmay Ciidamada ku jira difaacyada iyo Saraakiishooda.

Taliyaha Ciidanka Dhulka ee Xoogga Dalka Soomaaliya General C/Xamiid Maxamed Dirir waxa uu ciidamada faray in ay u diyaar garoobaan Howlgal ka dhan ah Al-shabaab kaasi oo looga saaraayo deegaannada gobolka shabellada hoose.

Safarka Taliyaha ciidanka dhulka ayaa ahaa mid dhulka ah,isagoona Booqday fariisimaha ciidamada xoogga dalka oo ay horey ugala wareegeen Ururka Al-Shabaab.

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.