Taliyaha Ciidanka Dhulka Soomaaliya Oo ka qayb galey shirka Ciidamada Dhulka dalalka Africa[SAWIRO]

0 286

Taliyaha Ciidanka Dhulka Soomaaliyeed S/Guuto Cabdixamiid Maxamed Dirir ayaa si rasmi ah loogu casumay ka qayb galka shirka Ciidamada Dhulka dalalka Africa
“ AFRICAN LAND FORCES SUMMIT ” , shirkaas oo ka furmay caasimadda dalka Ethiopia ee Addis Ababa.

Arrintan ayaa qayb ka ah dedaalka ay madaxda Dawladda Federaalka Soomaaliya ku bixinayaan soo celinta kuraasta iyo metelaadda ay Soomaaliya ku leedahayd dhamaan shirarka caalamka ee looga tashado siyaasadda, horumarinta bulshooyinka iyo arrimaha ciidamada Africa iyo adduunka kale.

Waxay sidoo kale tusaale u tahay in madaxda Ciidanka Xoogga Soomaaliyeed gaar ahaan Ciidanka Dhulka Soomaaliya ay xiriir fiican la leeyihiin dalalka Africa iyo caalamkaba, isla markaana ay madal kasta oo caalami ah u fariisanayaan dib u dhiska iyo tayaynta awoodda Ciidanka Xoogga iyo Ciidanka Dhulka Soomaaliya.

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.