Taliyaha Ciidanka Xoogga oo ka hadlay dhacdadii Dugsiga Jeneraal Gordan

0 234

Cabdiwali Jaamac Xuseen Gorod Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa sheegay in gacanta lagu soo dhigay askartii ka tirsanayd Xerada Jeneraal Gordan ee isku dayey in ay halkaas kala baxaan saanad iyo agab ciidan oo ku xeraysaana keydka xerada.

Taliyaha ayaa xaqiijiyey in is-rasaaseyn ay ka dhacday xerada kaddib markii ay halkaas soo gaareen cutubyo ka tirsan Ciidanka Xoogga Dalka oo la faray in ay gacanta ku soo dhigaan askartan ku kacay falkaas aan lagu aqoon Ciidanka Soomaaliyeed.

“Ciidanka Xoogga Dalka waxa ay hadda gacanta ku hayaan askartii iyo Saraakiishii ka danbeeyey dhacdadaan, inkastoo ay tira ahaan aad u yaryihiin haddana waa mid aan marnaba la qaadan karin, waxaanna ballan qaadeeynaa in aan hor keeni doonno sharciga.”

Waxaa uu sheegay in ay waddaan baaritaano kale, islamarkaana ay tilaabo adag ay ka qaadi doonaan cidwalba oo ku kacda fal ceeb ku ah ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed.

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.