Taliye cusub oo Uganda u soo magacowday Ciidankeeda Soomaaliya

0 240

Dowladda Uganda ayaa shaaca ka qaaday in ay taliye cusub u soo magacowday ciidamadeeda ku sugan Soomaaliya ee qeybta ka ah howlgalka AMISOM.
Paul Lokech Taliyihii hore ee guutada 2aad ee Ciidanka AMISOM ee jooga Soomaaliya ayaa Markale loo soo magacaabay Ciidamada Uganda ee joogga Soomaaliya waxaana markan uu xilkiisa yahay Taliyaha guud ee Ciidanka Uganda ka jooga Soomaaliya.
Paul Lokech, ayaa wax ku soo bartay Dalka Ruushka, waxaana uu soo qaatay tababar aad u sareya waxaa uu ka mid ahaa Ciidamadii ugu horreeyay ee Al-shabaab kula dagaallamay Soomaaliya Sanadkii 2007dii.
6,000, oo Askari ayaa Uganda ka joogta Soomaaliya,waxaana ay isu beddelaan sanad ,iyada oo Guutadii sanad joogtaba lagu beddelo mid kale oo iyana sanad kale shaqeyneysa

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.