Taliye Gorod oo Amar siiyay Ciidamada xoogga dalka

0 141

Taliyaha Ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed ayaa ku amray Ciidamada xoogga dalka in ay ilaaliyaan Xeerarka Caalamiga ah ee ilaalinta Xuquuqda Aaddanaha.

Taliye Gorod ayaa faray ciidammada xoogga inay u hoggaansamaan dhowridda xeerka caalamiga ee xuquuqda aadanaha marka ay samaynayaan howlgallo militari.

Waxaa uu digniin ku bixiyay in ciidammada aanan ilaalinin xuquuqda aadanaha lala tiigsan doono maxkamad.

Xeerka dhowridda xuquuqda aadanaha waxaa kamid ah difaacidda shacabka iyo in aanan burbur loo gaysanin hantida shacabka marka ay howlgallada socdaan.

Wuxuu yiri “ Marka aad sugayso ammaanka oo aad dagaal kula jirtid kooxaha maleeshiyaadka, waxaa jiraa xeer caalami ah oo lagaa doonayo inaad ilaalisid kaaso mas’uuliyad kaa saran in aad dhowrtid”

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.