Taliye ku xigeenka qaybta 21-aad kormeer ugu tagey Ciidamo Ka mid noqonaya qorshaha xoreynta deeganada Galmudug[SAWIRO]

0 245

Cutubyadan oo dhowaan loo diiwaan galiyay Ku mid noqoshada Ciidanka qalabka sida gaar ahaan Xoogga dalka kuna jira dugsiga Tababarka “Aruuris” ee duleedka Deegaanka Xananbuure ayaa waxaa galabta kormeer la xiriira howlaha diyaarinta ciidankan Ku gaarey G/Le Aadan Siyaad Cabdi Taliye xigeenka Qaybta 21-aad ,

Taliyaha ayaa Warbixino ka dhageystay saraakiisha xerada iyo guud ahaan Taliska dugsiga oo kaga warbixiyay tilaabooyinka loo qaadey diyaarinta Ciidankan .

Taliye xigeenka ayaa Ciidanka kula dardaarmey isku diyaarinta howsha adag ee laga sugayo oo u baahan dhiiranaan iyo ka faaiideysiga casharada lasiinayo mudada tababarku uu socdo ,

Sidoo kale isla madasha ayaa lagu qabtay bandhig dhiiri galin ah oo ay soo qaban qaabiyeen kooxda Horseed ee Ciidanka xoogga Dalka qaybtooda 21-aad kuwaa oo wadaniyada iyo macnaha dhab ahaanshaha dagaalka lagula jiro cadawga dareensiiyay ciidamada Ku jira carbiskan milatari.

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.