Taliyeyaasha Ciidamada oo ka hadlay Ciidankii la wareegay Xarunta Golaha Shacabka

0 170

Taliyeyaasha ciidamada dowladda Soomaaliya ayaa ka hadlay Ciidamo hubeysan oo la sheegay in ay taageersan yihiin Gudoomiyaha Baarlamaanka iyo ku xigeenkiisa kuwaa soo la wareegay xarunta Golaha Shacabka.

Taliyaha ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed Cabdiwali Jaamac Xuseen Gorod ayaa sheegay in baaritaano lagu sameyn doono ciidamadda qabsaday xarunta Golaha Shacabka, waxaana uu eedeyn u jeediyay Guddoomiye Jawaari.
Bashiir Cabdi Maxamed taliyaha ciidamada Booliska ayaa sheegay in ciidamada qabsaday xarunta Golaha Shacabka ay wateen hubka nuucyadiisa kala duwan, islamarkaana ciidamadii ilaaladda ka ahaa xarunta ay siidaayay ciidamadaasi si aysan dhibaato u dhicin.

Waxaa uu sheegay in Mas’uuliyadda wixii maanta ka dhacay xarunta Golaha shacabka uu leeyahay Gudoomiye Jawaari iyo ku xigeenkiisa Cawad.

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.