Tirada dadka laga heley cudurka corona virus ee gudaha somaaliland oo korortey .

0 135

Soomaaliland ayaa Maanta oo Talaado ah shaacisay natiijada dad looga shakisnaa Cudurka Safmareenka ah ee Coronavirus,kuwaas oo baaritaano lagu sameeyey qaarkood laga helay Cudurka COVID-19 halka dad horleh ay u geeriyooeen.

War kasoo baxay Guddiga Soomaaliland u qaabilsan xakameynta Cudurka COVID-19 ayaa lagu sheegay in dadkii la baaray in 14 qof kamid ah Cudurka laga helay,kuwaas oo haatan ku jira xaalad karantiil ah.

Sidoo kale Guddiga waxaa ay sheegeen in laba Ruux oo horleh oo ku sugnaa Magaalooyinka hargeysa iyo Boorama ay Cudurka u dhinteen taas oo dadka deegaannada Soomaaliland ugu dhintay COVID-19 ka dhigeysa 17 Ruux.

Ugu dambeyn Guddiga waxaa ay sheegeen in tirada Guud ee Cudurka Coronavirus laga helay deegaannada Soomaaliland ay gaartay 217 Ruux 8 Ruux ay ka bogsoodeen halka 17 qof ay u geeriyoodeen.

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.