Trump oo gacantiisa ku qortay waraaq caafimaadkiisa ka hadlaysa

0 158

Dhakhtarkii hore ee madaxweyne Trump ayaa sheegay in uusan qorin waraaqdii caddaynaysay xaaladda cafimaad ee Trump sannadkii 2015kii, markaas oo uu ahaa murashaxa xisbiga Jamhuuriga.

Waraaqdaas ayaa lagu qoray “in ay aad u wanaagsan tahay xaaladdiisa caafimaad,” sida ay ku warrantay warbaahinta Maraykanka.

“Trump” ayaa yeeriyay dhammaan waxa lagu qoray waraaqda,” ayuu Dr Harold Bornstein u sheegay telefishinka CNN Talaadadii.

Aqalka Cad ee looga arrimiyo dalka Maraykanka ayaan wali ka jawaabin eedaymaha loo soo jeediyay madaxweynaha.

Bornstein ayaa sidoo kale sheegay in dawladdu “ay hawlgal ka fulisay” xafiisyadiisa bishii Feebaraayo ee 2017kii, ayna kala tagtay dhammaan macluumaadkii ku saabsanaa caafimaadka madaxweynaha

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.