Urur Goboleedka IGAD oo ka hadlay khilaafka siyaasadeed ee dalka

0 235

Urur Goboleedka IGAD ayaa walac ka muujiyay xiisada siyaaasadeed ee ka taagan Soomaaliya, taasi oo u dhaxeysa Baarlamaanka Federaalka oo garab ka mid ah ay gadaal ka riixeyso Xukuumadda R/Wasaare Xasan Cali Khayre.

War saxaafadeed ka soo baxay Urur Goboleedka IGAD ayaa lagu sheegay in xiisada siyaasadeed ee soo cusboonaatay ay qatar ku tahay horumarkii dowladda gaartay sanadkii la soo dhaafay 2017-kii, muhiimna ay tahay in si deg deg ah loo dhameeyo.

IGAD ayaa ku boorisay dhinacyada uu khilaafka u dhaxeeyo, in wax walba lagu xaliyo Dastuurka, loona maro sida uu qabo, si loo ilaaliyo xasiloonida iyo kala dambeynta sharciga.

Baarlamaanka Aqalka Sare, Beesha Caalamka, Culimada Soomaaliyeed, Ururada Bulshada rayidka ayaa horey ugu baaqay in si deg deg ah loo xaliyo khilaafka jira, balse weli waxaa muuqata in xiisada ay taagan tahay.

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.