Ururka Al-Shabaab oo xukun Gacan Goyn ah Ku Fuliyay Wiil dhalinyaro ah

0 133

Al Shabaab ayaa xukun gacan goyn ah waxa ay ku fuliyeen Wiil dhalinyaro ah degaanka Kuunyo Barrow ee Gobolka Shabeellaha, kadib markii maxkamada Shabaab ee Gobolka ay xukuntay in wiilkaasi gacanta laga gooyo.

Wiilkaan dhalinyarada ah ayaa la soo taagay meel fagaare ah oo dadka la isugu yeeray shalay gelinkii dambe si ay u daawadaan qaabka uu u dhacaayo xukunka gacan goynta ah ee lagu fuliyay wiilkaasi.

Qaadiga maxkamada Shabaab ayaa sheegay Maadey C/qaadir Cali (Daniyoow) oo 24 jir ah islamarkaana deggan tuulada Dharkeenley, oo hoos tagta degmada Qoryooley in lagu helay fal xatooyo ah, kadib markii uu qirtay sida uu sheegay qaadiga in Wiilkaasi uu lacag ka xaday goob ganacsi.

Intaasi kadib ayaa rag u diyaarsanaa inay gacanta wiilkaasi gooyaan, waxa ay ku boobeen mindi, waxayna ka jareen gacanta qaybta hore, taasi oo argagax ku abuurtay dadkii daawanaayay.

Xukunada noocaan oo kale ah ayeey Shabaab ka fuliyaan Gobolada dalka Somaliya, gaar ahaan Magaalooyinka ay joogaan iyaga oo sheegaya qofka falka lagu fulinaayo inuu sameeyay qiraal.

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.