Ururka NUSOJ oo cambaareeyey labo weriye oo maamulka Gobalka Sh/dhexe xabsiga dhigeen kuna baaqdey in xuriyadooda dib loo soo celiyo

0 313

nusoj

Ururka Suxufiyiinta Qaranka Soomaaliyeed ee NUSOJ ayaa maanta si kulul u cambaareeyay xarrigga Tifaftirihii iyo Agaasimihii Idaacada oo maamulka gobolka Shabeelada dhexe ugu geystay magaalada Jowhar, uguna baaqay inay si bilaa shuruud ah xorriyadda weriyayaasha loo celiyo.

Cabdishakuur Cabdullahi Axmed, tifaftirihii Idaacadda Asal, ahna wakiil wareedka telefishinka Som News iyo Adan Xuseen Daauud oo ah Agaasimaha Idaacada ASAL, ahna wakiil wareedka telefishinka SOM News ayaa shalay18-ka Luulyo, abaaro 11:00 subaxnimo, ayaa maamulka gobolka Shabeelada Dhexe xabsiga magaalada Jowhar u dhaadhiciyey, kadib markii weriyayaashu shaqo u tageen dibadbax magaaladaas ka dhacayay, oo markii dambe isku bedelay mid rabshado wata.

“Waxaa maanta xabsiga loo taxaabay tifaftirihii iyo agaasimihii Idaacadda Asal xili ay shaqo u tageen goob banaanbax ka dhacayay” ayuu yiri Maxamed Abukar Caseyr, Agaasimaha Idaacada Jowhar, “Waanu kala hadalnay xarriga weriyayaasha maamulka gobolka, balse waa nasiib darro inay weli xabsiga ku sii jiraan.”

Maamulka gobolka shabeelada dhexe ayaan si rasmi ah uga hadlin xarriga weriyayaasha.

Ururka Suxufiyinta Qaranka Soomaaliyeed ayaa cambaareeyay tallaabadaas lagu xiray tifaftiraha iyo agaasimaha idaacadda ASAL, isla markaana wakiil wareedyo u kala ahaa Telefishinka Royal TV and Som News, waxaana ku baaqaynaa in xorriyadooda loo soo celiyo sida ugu dhakhsiyaha badan.

“Waa nasiib darro in tifaftirihii iyo agaasimihii Idaacada ASAL xabsiga loo taxaabo, iyagoo waajibkoodii shaqo gudanaya,”: ayuu yiri Maxamed Ibrahim, Xoghayaha Guud ee NUSOJ, “Waxaana ku baaqeynaa in labadan weriye xorriyadooda sida ugu dhakhsiyaha badan loo celiyo.”

Wixii warar ah ku soo kordha, halkan ayaan idinkugu soo gudbin doonaa.

English Version will follow


For further information, please contact:
National Union of Somali Journalists (NUSOJ)
Address: Second Floor, Zobe Building, KM5 area, Wadajir District,
Mogadishu, Somalia,
Office Line: Tel: +252 1 859 944,
Email: nusoj@ymail.com or nusojsomali@gmail.com
Website: www.nusoj.org.so
Follow us on Twitter: @NUSOJ_Somalia
Follow us on Facebook.com/NUSOJSomalia

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.