Wabiga Shabelle oo si rasmi ah u biyo keenay (Sawirro)

0 512

okikioApril 20 (Radio Baidoa)— Wabiga Shabelle ee mara Gobollada Hiiraan, Sh/Dhexe iyo Hiiraan ayaa si rasmi ah maanta u biyo keenay, kadib markii uu Wabigu dhowaan uu guray.

2-dii bishan ayuu aheyd markii Wabiga uu biyo aan badneyn keenay, balse maanta ayaa dadka reer Jowhar arkeen wabiga oo biyo badan keenay, isla markaana gees ka gees biyaha uu wada gaarayay.

Xiintoyda ayaa biyo badan ka soo daadanayay, kadib markii tan iyo bishii hore uu qalalnaa, ayna noqotay meel dadka ay iska maraan, lana isku sawiro

Inta badan dhalinyarada da’adoodu ka yar tahay 40ka sano ayaan arag weligood iyadoo xiintoyda aysan biyo ka soo dhacayn, waxaana maalmihii la soo dhaafay dadku ay u daawasho tagayeen xiintoyda si ay sawiro xusuus leh isaga soo qaadaan.

Beeralay badan oo ku nool hareeraha wabiga Shabelle ayaa ku farxay wabiga oo biyo keenay waxaana la rajaynayaa in maalmaha soo socda ay soo kordhaan biyaha maadaama la galay xilligii guga.

Dad ku sugan degmada Jalalaqsi ee Gobolka Hiiraan ayaa soo sheegaya in biyo badan oo calaw ah uu soo socdo, waxaana laga cabsi qabaa hadii biyo badan uu keeno wabiga inuu fatahaad dhacdo.

Wabiga Shabelle ayaa xiliyada guga loogaga bartay inuu ku fataho deegaano badan oo ka mid ah gobolka Sh/dhexe iyo Sh/hoose.

Tan iyo markii Wabiga uu guray waxaa biyo la’aan ay ka dhacday deegaano ku teedsan jiinka wabiga, oo horay wabiga ka biyo cabi jiray, waxaana cuduro ka dhashay biyo wasaqeysan ee ay cabeen u dhintay caruur badan.

wabi- (1) wabi- (2) wabi- (3) wabi- (4) wabi- (5) wabi- (6)

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.