Wadooyinka Muqdisho oo caawa la xiray

0 143

Waxaa caawa la xiray dhammaan wadooyinka waa weyn ee Magaalada Muqdisho, maadaama Caawa ay dhaceyso xaflad lagu xusaayo midowgii Goboladda Waqooyiga iyo Koonfurta Soomaaliya ee 1-da luulyo.

Ciidamada Dowladda Federaalka ayaa caawa xiray wadooyinka Magaalada Muqdisho, iyagoo ammaanka aad u adkeynaya, si aysan u dhicin Arbushaad.

Isu socodka wadooyinka Magaalada Muqdisho gudaheeda ayaa kala xaniban, waxaana wadooyinka Magaalada dhan la soo dhoobay ciidan, kuwaasi oo wata gaadiidka dagaalka.

Wadooyinka magaalada Muqdisho ayaa lagu arkayaa shacab aad u fara badan, kuwaasi oo ka hayaamay goobohooda shaqo, lugeynayana wadooyinka, iyaga oo wata agab culus, una hooyanaya meelo fog-fog.

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.