Wafdi ka socda Hay’adda Beeraha ee FAW oo soo gaarey Baydhabo

0 143

Waxaa maanta magaalada baydhabo ee xarunta gobolka Bay soo gaarey wafdi uu horkacayo madaxa hay’ada Qaramada midoobey u qaabilsan arimaha beeraha ee magaceeda loo soo gaabiyo FAW.

Kusimaha madaxweynaha ahna wasiirka wasaarada beeraha maamulka KGS Maxamed Xasan Fiqi iyo xubno kale oo ka tirsan goloaha wasiirada ayaa siweyn u soo dhoweeyey wefdiga iyo xubnihii kale ee la socdey.

xarunta madaxtooyada maamulka ayaana loo sii dhaadhiciyey halkaasi oo ka dhacay kulan baalaran oo looga hadlyey xaalada beeraha gobolda KGS iyo sidii loo hormarin lahaa.

Madaxa hay’ada FAW ninka lagu magacaabo Mr Lizar oo kulanka ka hadlay aya shaaca ka qaadey in ay door weyn ka qaadan doonaan horumarinta beeraha gobolada KGS islamarkaana ay qalab siin doonaan beeraleyda ka soo jeeda Deegaanada KGS.

Kusimaha madaxweynaha ahna wasiirka wasaarada beeraha iyo waraabka maamulka KGS oo kulanka shir gudoominayey ayaa dhan kiisa ka hadlay dhibaatooyinka xilligan heysta beeraleyda goboladan isagoona ka sheekeeyey fatahaadyadii ku dhuftey gobolka shabeelaha hoose xilli sanadeedkii Roobka ee la soo dhaafey.

Goboladan KGS ayaa ah boqolkiiba 95 dhul beereed iyadoona dadka ku nool ay u badan yihiin beeraley iyo dad xoolo dhaqata ah.

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.