Wafdi ka socda Itoobiya oo ku wajahan Muqdisho

0 145

Waxaa lagu waddaa saacaddaha soo socda in ay Magaalada Muqdisho gaaraan Wafdi ballaaran oo ka socda dowladda Itoobiya.

Calamada Soomaaliya iyo Itoobiya ayaa lagu sharaxay Wadada Makah Al-Mukaramah, waxaana si weyn loo adkeeyay Ammaaanka Muqdisho.

Wararka qaar ayaa waxa ay sheegayaan in Magaalada Muqdisho uu kusoo wajahan yahay Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed, waxaana lagu waddaa in soo dhaweyn loogu sameeyo Magaalada Muqdisho.

Ciidamada Ammaanka ayaa xataa diiday in la furo Al-baabada dumaamada iyo Maqaayaddaha ku yaalla Wadada Makah Al-mukaramah.

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.